4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Banaanbax looga soo horjeeday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah meesha ugu badan ee ay u barakaceen dadkii ku noolaa Magaalada Muqdisho ee ka cararay dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
 
Banaanbaxayaasha ayaa waxay ka cabanayeen hadal saxaafadeed uu dhawaan sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere oo sheegay in Deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dhuuntaan Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka, isla markaana laga soo abaabulo dagaallada lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee ku yaala gudaha iyo duleedyada Muqdisho.

Dadka dibadbaxa dhigay oo u badnaa Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo dhinaca kalena ku dhawaaqayay ereyo ay ku soo dhaweynayaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay waddo.

“Waxaan nahay dadkii ka soo barakacay dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho, waxaana ku noolnahay Geedo hoostood, Qoraxda iyo Qabowgana dusheena ayay ku baxaan, waana ka xunnahay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sheego in deegaanka aan ku nool nahay ay joogaan kooxaha la dagaalama Dowladda Federaalka”ayay tiri Faadumo Xasan Cali oo ka mid ah Dadkii maanta  banaanbaxa ka dhigay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Banaabaxan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in weerarro lagu qaaday Fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lahaayeen Deegaanka Siinka Dheer iyo Ceel Carfiid laga soo abaabulay Deeganka Ceelasha Biyaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia