4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Dadka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo sameeeyay Dibaxbax ay uga soo horjeedaan ganacsatada Degmooyinkaas

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Dadka ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay sameeyeen dibadbax ay uga soo horjeedeen ganacsatada Degmooyinkaas oo isugu daray sicir barar iyo weliba in ay diidaan lacagta duugowday ee Kunka Shillin Soomaaliga ah.
 
Dadweyne aad u faro badan oo isaga kala yimid labadaas degmo oo deris ah ayaa waxay socod ku mareen Waddooyinka waa weyn ee dhexmara Degmooyinkaas, iyagoo ku qeylinayay ereyo lid ku ah ganacsatada mehradaha ganacsi ku heysta Degmooyinkaas.
 
Dadka banaanbaxayay ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen Doollar qaate dooni meyno, Kun Jeexan diide dooni meyno iyo kuwo kale, iyagoo qaarkoodna ay si cad u sheegayeen in aysan raali ka noqon karin in la isugu daro sicir barar iyo in la diido lacagtii ay wax ku iibsan lahaayeen.
 
Sidoo kalena, markii uu dhacay Banaanbaxan ayaa waxaa iyana ka hadlay diidista lacagta Kunka Shillin ee duugowday Mas’uuliyiinta Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley , waxayna sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan ganacsatada diida lacagta duugowday.
 
Banaanbaxa ay sameeyeen Dadka ku dhaqan labadan Degmo ayaa wuxuu yimid kadib markii ay ganacsatada Degmooyinkaas bilaabeen in ay kala soocaan lacagta wax looga iibsado, isla markaana ay dadka ku celiyaan lacagtii ay u arkaan in ay duug noqotay, iyadoo taasina ay si weyn u dhibsadeen dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa saaka banaanbaxyada sameeyay.
 
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo Gobollada ku dhow ayaa waxaa laga isticmaalaa kaliya lacagta Kunka Shillin oo aan lahayn wax baaqi soo celin ah, iyadoo ay xusida mudan tahay in xitaa uu Kunka Shillin noqday mid duugoobay oo aan helin dib u soo cusbooneysiin marka laga reebo Lacag Kun Shillin ah oo ay soo daabacdeen ganacsatado Soomaaliyeed oo qaarkood dalka gudahiisa ku rakibtay Makiinado Lacagta Shillin Soomaaliga ah lagu daabaco.
 
Halkan ka aqriso sicir barar ka taagan Magaalada Muqdisho-HOL
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia