4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo soo dhaweeyay Hadalkii uu shalay sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadal uu shalay sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay.
 
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in markii horeba si aan sharci ahayn tacaddiyo loogu hayay, wuxuuna intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan haddii loo ballanqaaday in ay dhaqdhaqaaqyadooda si xornimo ah u wadan karaan.

“Annaga ma jirin cid aan dhibaato ku heynay, kaliya waxaan ka hadalnaa dhibaatada dadka lagu hayo, waana ka sii hadli doonnaa ilaa dhibaatada laga deynayo”ayuuna jiri Maxamed Xasan Xaad.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in hadalka Ra’iisal Wasaaraha uu ahaa mid wanaagsan, balse la is-weydiin karo sida dib u heshiisiin iyo nabadeyn loo wadi karo iyadoo ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo dadka tacaddiyo ku haya ay ku sugan yihiin Soomaaliya, isagoo weliba xusay in ay Ciidamada Itoobiyaanka degan yihiin goobo waxbarasho iyo goobo caafimaad.

Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa isna wuxuu soo dhaweeyay hadalkii Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna sheegay in haddii uu R’iisal Wasaaraha garawshiyo ka bixiyay dhibkii lagu hayay gole ahaan ay iyana lagama maarmaan tahay in ay ka garaabaan, isla markaana ay soo dhaweeyaan, isagoo intaas ku daray inay soo dhaweynayaan cid kasta oo wanaag wax ku dooneysa.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa shalay wuxuu shaaca ka qaaday in shir uu la yeeshay Guddiga Ammaanka Qaranka ay ka soo baxeen Go’aanno ay ka mid ahaayeen in Dadka ku howlan dib u heshiisiinta iyo Nabadda fursad loo siiyo in ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta, sidoo kalena wuxuu sheegay in Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay xor u yihiin dhaqdhaqaaqyadooda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aannada ka soo baxay Shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa waxay yihiin kuwo haddii la dhaqangeliyo ay wax badan iska bedelayaan dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan tacaddiyo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayaan dadka shacabka ah iyo weliba Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo qaarkood horay xabsiyo loo dhigay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia