4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay isku rasaaseeyay Gudaha Magaalada Baydhabo

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku rasaaseeyay gudaha Magaalada Baydhabo, xili ay labada ciidan sameynayeen howlgallo amni sugid ah.
 
Isku dhaca labada Ciidan ayaa yimid kadib markii Ciidamo Boolis ah oo baaritaanno ku sameynayay dad ku sugnaa nawaaxiga Suuqa Digaaga lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo uu mid ka mid ah dadkii la baarayay uu Qori la qabsaday Askari baaritaan ku sameynayay, kadibna ay sidaas rasaas ku dhacday, iyadoo dabadeedna ay ciidamo kale rasaas ku soo fureen halkii raasaasta ka dhacday.
 
Is-rasaaseynta dhexmaray labada Ciidan ayaa waxay sababtay in uu geeriyoodo qof rayid ah oo ka dhawaa halka ay is-rasaaseynta ka dhacday, halka uu dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo ay halaeeshay rasaastii ay labada ciidan isku ridayeen.

Dhawaqa rasaasta ay is-dhaafsadeen Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqti kooban socotay ayaa waxay cabsi ku abuurtay dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo aaney in muddo ah dhegahooda maqlin rasaas u dhaceysa qaab iska hor-imaad ah.

Is-rasaaseynta labada Ciidan ku dhexmartay magaalada Baydhabo ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo shalay uu gudaha Magaalaas Rasaas iskula dhuftay Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya, kaasi oo markii uu xabadda isku dhufanayay kaligiis ahaa.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay weli ka furan yihiin Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa marka habeenkii la gaaro waxay ku jirtaa xaalad bandow ah, kaasi oo magaalada lagu soo rogay kadib markii ay ka dhaceen falal nabadgelyo darro ah.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia