advertisements

Warbixinta xaaladda # 9 – 29 February, 2008

fiogf49gjkf0d

Xafiiska Hawlaha Gargaarka (XHG) – SOOMAALIA

Warbixinta xaaladda # 9 – 29 February, 2008

Read in Englis Ku aqriso Af-Soomaali

Is-beddellada waaweyn

Abaaraha gobollada dhexe ka jira ayaa ka sii daraya, iyadoo xaaladda biyo la’aanta iyo xiddidnaanta daaqsinta xoolaha nool ay u horseedday in qoysas fara badan oo xoolo dhaqato ah ay la kulmaan nolol qalafsan. Sida Warbixinta gudaha ka imaanaysaa ay tilmamayso in ita badan gobaha biyo qabatinka ah ay qalalan yihiin, taas o caqabad weyn ku kordhisay ceelasha fara ku tiriska ah ee Imminka jira. Biyo yarida ka jirta gobollada  mudug iyo Galgaduud ayaa iyadana lagu tilmaamaya inay xaalad ba’an ku sugan yihiin. Xilliga Jiilaalka ee imminka lagu jiro(January ilaa dhammaadka  Maarso), waxaana jirta baahi deg-deg ah oo dhinaca bini’aadminimada ah oo ku wejahan goobaha ay dhibatooyinku saameeyeen inta ka horreysa xilliga gosashada dalaygyada beeraha ee nagu soo fooleh (daba-yaaqada July/august). Mudnaanta kowaadna waa biyaha iyo cuntada. Waxaana dhibatooyinkaas ka soo jawaab-celiyey hay’adaha bini’aadminimada ee Gobollada Mudug iyo  Galgaduud. Gobolka Galgaduud, hay’adda UNICEF iyo la-hawl-galayaasheeda ayaa dhawaan ka hawlgalay  haamaha biyaha, dhismaha ceelasha la qodo iyo biyo gelinta tuubooyinka. Waxay kaloo hay’aduhu gargaar u fidiyaan ilaa 12 xarumaha  caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo  afar xarumaha adeegyada marxaladda hore ee in ka badan 20,000 caruurta da’dodu ka yar tahay shanta sano ee gobolkka.m intaas waxaa dheer, in ka badan ilaa  38,000 caruurta da’adoodu ka yar tahay shanta sano oo fursad u helay xarumaha quudinta iyo daryeelka  caafimadka iyo rugaha  bukaan-eegtooyinka oo gacan ka gaysta  carruurta nafaqo-darrida badan ay hayso.

Magaalada  Dhuusamreeb town ee gobolka Galgadud ayaa waxaa walaac laga muujinayaa xaaladda nabadgalyada kaddib markii ay ciidammada Ethiopia ay halkaas tageen Jimcihii 22kii February.  Sida ay xaqiijinayaan xogta gudaha laga helayo, labo meelood seddex meel dadkii magaalada ayaa ka  cararay  iyagoo ka cabsi qaba inay iska hor-imaadyo dhex maran ciidammada Ethiopia iyo kooxaha dawladda ka soo horjeeda. Xaaladda bini’aadminimada ee goobtaas oo  markii horeba aad u  cakirnayd,ayaa waxa sii cusleeyey iyadoo ay abaaro iyo dad xad dhaaf ah oo ka soo bara-kacay min Moqdishu ay halkaas hore ugu sugnaayeen.

26kii  February, dagaal culus ayaa magalada Dinsor ee gobolka Bay ku dhex maray Ciidammada dawladda FKMG ah iyo kooxaha dawladda ka soo horjeeda oo  muddo gaaban gacanta ku dhigay magaalada. Hay’adda Cuntada Adduunka(WFP) ayaa hakisay cunto qaybin ay halkaas ka wadday dagaalka awgiis. Waxayna hakintaasi saamayn ku yeelatay in  ka badan 10,000 oo ah dadka tabaalaysan ee ka manaafacaadsan jiray raashinkaas. Hay’adda Qaxootiga ee Qaramadda Midoobay ayaa ku qiyaastay ilaa 100 qof inay dagaallada magaalada Diinsoor ka carareen.

Sida hay’adda UNHCR ay xaqiijisay, tirada dadka ku bara-kacay dagaallada Muqdishu imminka ka soconaya, waxay gaarayaa dadka ilaa toddobaadkii tegay bara-kacay in ka badan 7,000 qof, taas oo wadarta guud ee dadka sannadkan bara- kacay ka dhigaysa ilaa 51,000. iyadoo sannadkii  2007 lagu qiyaasay  700,000qof inay ka bara-kaceen magaalada Muqdishu. 

Waxaa degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo kuna taal xadka Somaliya iyo Kenya ka dilaacay shuban biyood soo dhul dhigay 696 qofood muddadii u dhaxeysay 21 January ilaa iyo maanta.  Tiradaas la sheegay waxaa 13 qofood ka mid ah u dhinteen cudurkaas.

Heyadda - NGO Gedo Health Consortium ayaa isla markiiba bilaabday howl qabad lagu xakameynayo faafista cudurka ilaa iminkana ku howlan wax u qabshada dadka uu saameyey iyagoo la kaashanaya Guddiga Caafimaadka Degmada Beled-Xaawo iyo dad ka degaanka isla markaana gacan iyo taageero ka helaya heyadda Caafimaadka Addunka (WHO).

Intii lagu guda jirat toddobaadkii tegay, hay’adda CARE Soomaliya, waxay raashin gargar ah u qaybisay ilaa 8,850 qof oo ku dhaqan degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Puntland
Khamiistii 27kii February, in ka badan  40 qof ayaa ku geeriyooday  (kuwaas oo soomali u badanaa), kaddib markii Doontii ay la socdeen ay ku qaraqantay xeebta Yemen, taas oo wadarta dhimashada ama dadka la la’ yahay ka dhigaysa 2008-ka ilaa  200 qof.  Iyadoo la saaadaalinayo  in xaaladda nabadgelyo darrida iyo dhaqaale-xumida koofurta Soomaaliya laga yaabo iny ka sii dari doonto 2008-ka marka oo eego heerarkii ay ku sugnayd sannadihii tegay. 

Intii lagu guda jiray toddobaadkii tegay, waxaa jirtay dhacdo kale oo dhinaca nabadgalyada la xiriirtay oo  bartil-maameed laga dhigtay shaqaalaha samafalka ee Puntland. Waxayna ahayd  26kii  February markii Kolonyo Gadidka QM ee marayey waddada u dhaxaysa  Garoowe ilaa Boosaaso oo ay rasaas la beegsadeen dabley aan la garanayn kaddib markii ay ku soo dhawaadeen bar koontarool  oo ilaa 85 KM u jirta Garoowe. Ergada oo ay  ilaalinayeen waaxda Booliiska gaarka ah, ayaa ka samata-baxay weerarkaas iyagoo bad qaba.


Faahfaahin dheeraada ah kala soo xidhiidh
Rita Maingi on +254 734 800 120 –
[email protected]

Muna Mohamed on + 254 733 643 737 - [email protected]