Somaliland oo Taageertay Tallaabada uu Maraykanku Kusoo Qabtay Madaxweynihi Venezuela

Cabirka Farta

Somaliland oo Taageertay Tallaabada uu Maraykanku Kusoo Qabtay Madaxweynihi Venezuela

Axad, January 4, 2026 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa taageertay tallaabadii uay ciidamada Maraykanku Kusoo qabteen Madaxweynihi hore ee dalka Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisii oo ay ku tilmaantay tallaabo dib loogu soo celinayo sharciga dalkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa si rasmi ah u muujisay taageerada Somaliland ee Maraykanka, iyada oo tallaabada Trump ku tilmaantay mid dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, dimuqraadiyada iyo sarreynta sharciga ee dalka Venezuela.

Somaliland ayaa sheegtay in ay aaminsanahay tahay in tallaabooyinka uu hoggaaminayo Maraykanku ay gacan ka geysan karaan yaraynta dhibaatada bani’aadantinimo, la dagaallanka shabakadaha dambiyada caalamiga ah, iyo taageeridda kala-guur nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Venezuela.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay aragto in dadaalladaasi ay waafaqsan yihiin xeerarka caalamiga ah iyo arrimaha la xidhiidha amniga wadajirka ah, islamarkaana ay xoojinayaan ixtiraamka xuquuqda aadanaha, isla xisaabtanka iyo madax-bannaanida qaranimada Venezuela.

Teegeerada Somaliland ayaa imanaysa xilli ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya in madaxweynihii Venezuela ay gacanta ku dhigeen ciidamada Maraykanka, taas oo dhalisay falcelinno caalami ah oo kala duwan.

Waxaa xusid mudan in Venezuela ay ka mid ahayd waddamadii si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland, iyadoo tan iyo shalay ay shacabka Somaliland baraha bulshada wareejinayeen qoraal ay dowlada Venezuela ku taageertay madaxbannaanida Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhawaan aqoonsi rasmi ah ka heshay dalka Israa'iil oo xidhiidhka dhaw la leh dalka Maraykanka, isla markaana waxay sheegtay in sidoo kale ay aqoonsi ka naawilayso dalka Maraykanka. Taageerada Somaliland ee xadhiga Maduro ayaa muujinaysa rabitaankeeda in ay waanaajiso xidhiidhkeeda Maraykanka.