Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland iyo labo askari oo lagu dilay qarax ka dhacay Waddada cusub ee Boosaaso iyo Dhaadaar

Cabirka Farta

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland iyo labo askari oo lagu dilay qarax ka dhacay Waddada cusub ee Boosaaso iyo Dhaadaar

Axad, January 4, 2026 (HOL) - Ugu yaraan labo askari iyo sarkaal ciidan ayaa ku geeriyooday, in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib qarax xooggan oo saakay ka dhacay waddada cusub ee isku xirta Boosaaso iyo Dhaadaar, kaas oo lagu beegsaday gaari miino-baaris ah oo ay wadeen ciidamo ka tirsan Puntland.

Dadka ku geeriyooday qaraxaan sida aan ka xaqiijinay saraakiil ciidan oo aan la xiriinay ayaa kala ah; taliyihii Saadka Ururka Dayax, Jaamac Maxamed Caduur (Afdhishiike), miino-baarihii gaariga iyo dareewalkii, sida ay sheegeen ilo amni.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay ciidamadu ku guda jireen hawl amni. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa si degdeg ah loogu diray gurmad caafimaad iyo mid ciidan, iyadoo askarta ku dhaawacmay loola cararay isbitaalada magaalada Boosaaso.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadiyay aagga si loo adkeeyo ammaanka, loona bilaabo baaritaan ku saabsan nooca qaraxa iyo cidda ka dambeysay. Waddada Cusub ee Boosaaso – Dhaadaar ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray inta ay hawlgallada socdaan.

Mas’uuliyiinta amniga Puntland weli kama hadlin cidda mas’uulka ka ah weerarka, balse waxay sheegeen in faahfaahin rasmi ah la shaacin doono marka baaritaanku dhammaado.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya kaddib markii Puntland ay dib uga soo saartay inta badan ciidamadii ka hawlgalayay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo muddo ku dhow hal sano uu ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish.

Laamaha amniga ayaa sheegay in si weyn loo wiiqay awooddii Daacish ee Calmiskaad, iyagoo xusay in ay halkaas ku hareen kooxo yar-yar oo firxad ah oo ku dhuumaaleysanaya togga Baallade, ayna jiraan ciidamo guur-guur ah oo loo xil saaray dabagalka haraadiga kooxdaas.