Masar iyo Turkiga oo si cad u Taageeray Midnimada Soomaaliya, Kana Digay Aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Masar iyo Turkiga oo si cad u Taageeray Midnimada Soomaaliya, Kana Digay Aqoonsiga Somaliland

Axad, January 4, 2026 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, iyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan oo xiriir telefon dhex maray ayaa si weyn diiradda u saaray arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan mowqifka ay labada dal ka qaateen aqoonsiga Israel ay ku sheegtay in ay siisay Somaliland, arrin ay ku tilmaameen mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Labada wasiir ayaa si wadajir ah u adkeeyay in Soomaaliya ay tahay dal leh midnimo, madax-bannaani iyo wadajir dhuleed oo aan gorgortan geli karin, iyagoo caddeeyay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu carqaladeynayo midnimada dalka ay khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga guud ee gobolka.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu xusay in mowqifkan diidmada ah uusan ku ekaan Masar iyo Turkiga oo keliya, balse ay wadaagaan Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhammaan dalalka ku yaalla gobolka, kuwaas oo horay u muujiyay in aysan aqbali karin isbeddello siyaasadeed oo lagu sameeyo khariidadda Soomaaliya si ka baxsan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo xeerarka caalamiga ah.

Intii uu socday xiriirka, wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhowro doorka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana la taageero dadaallada lagu xoojinayo amniga, nabadda iyo dhismaha hay’adaha qaranka, si looga hortago firaaq kasta oo siyaasadeed oo ay ka faa’iideysan karaan kooxaha xagjirka ah iyo quwadaha shisheeye.

Ka sokow arrimaha Soomaaliya, Masar iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Marinka Gaza, iyagoo ku baaqay in si buuxda loo adkeeyo xabbad-joojinta, la dardar-geliyo marxaladda labaad ee heshiisyada nabadeed, lana hubiyo in gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah uu gaaro shacabka Falastiiniyiinta.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda Yemen, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dejinta xiisadda, dhiirrigelinta wadahadalka siyaasadeed iyo ka fogaanshaha tallaabooyin hal dhinac ah oo sii hurin kara colaadda dalkaas.

Dhanka xiriirka laba geesoodka ah, wasiirradu waxay dib u eegis ku sameeyeen diyaargarowga shirka labaad ee Golaha Iskaashiga Istaraatiijiga ee Heerka Sare ee Masar iyo Turkiga, kaas oo la filayo inuu qabsoomo rubuca hore ee sanadka 2026, islamarkaana ay guddoomin doonaan Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Ugu dambeyn, Masar iyo Turkiga ayaa isku raacay in ay sii xoojiyaan wada-tashiga iyo isku-duwidda mowqifyadooda, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loona xaqiijiyo in Soomaaliya ay sii ahaato dal mideysan oo ka madax-bannaan faragelin shisheeye.