
Axad, January 4, 2026 (HOL) - Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, ayaa si adag uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabo si ula kac ah loo qorsheeyay oo lagu doonayo in indhaha caalamka looga jeediyo xiisadda weli ka taagan Falastiin.
Isagoo hadal ka jeediyay munaasabad la xiriirtay qabashada guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in tallaabada Israa’iil ay tahay isku day ula kac ah oo lagu mashquulinayo beesha caalamka, si aan diiradda loo saarin waxa ka socda dhulka Falastiin ee ay Israa’iil haysato.
“Waxaan aaminsanahay in tani ay ahayd isku day lagu doonayo in laga jeediyo dareenka waxa ay sameynayaan ciidammada gumeysiga ee ku sugan dhulka la haysto ee Falastiin,” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle. “Fikradda ah in la aqoonsado qayb ka mid ah Soomaaliya waxay ahayd qorshe si xeel dheer loo dejiyay oo ay wadeen ciidammada gumeysiga Israa’iil si ay dunida uga mashquuliyaan arrinta Falastiin.”
Danjiruhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muujiyay taageerada ay u hayaan mowqifka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ka shaqeynta iyo difaacidda qaddiyadda Falastiin.
Soomaaliya waxay intaas ku dartay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad siyaasadeed oo ballaaran, taasoo lagu wiiqayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.