Soomaaliya oo soo dhoweysay baaqa Madaxweynaha Yemen ee shir wada-hadal ku saabsan arrinta Koonfurta

Cabirka Farta

Soomaaliya oo soo dhoweysay baaqa Madaxweynaha Yemen ee shir wada-hadal ku saabsan arrinta Koonfurta

Axad, January 4, 2026 (HOL) - Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaqa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen, Dr. Rashad Maxamed Al-Caymi, ee ku aaddan qabashada shir wada-hadal oo looga hadlayo arrinta Koonfurta Yemen, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid muujinaysa ka go’naansho dhab ah oo ku wajahan doorbididda wada-hadalka si loo ilaaliyo midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida dalka Yemen.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudiga ka qaadaneyso taageeridda dadaallada wada-hadalka qaran ee Yemen, gaar ahaan martigelinta shirweyne ballaaran oo ka dhacaya magaalada Riyaad, taas oo ku timid codsi uga yimid hoggaanka sharciga ah ee Yemen, isla markaana abuureysa jawi siyaasadeed oo nabadeed oo u oggolaanaya dhammaan dhinacyada inay si xor ah u muujiyaan aragtidooda.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay qaddarin ay u hayso dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu taageerayo shacabka Yemen si ay uga gudbaan caqabadaha jira, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ka-qaybgal dhab ah oo ka yimaada dhammaan dhinacyada, kuna saleysan mas’uuliyad qaran oo mudnaanta koowaad siinaysa danaha guud.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda dhammaan hindisayaasha daacadda ah ee lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta iyada oo loo marayo wada-hadal iyo is-afgarad, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Yemen loona ilaaliyo midnimada dhulka iyo madax-bannaanida dalkaas.