Museveni oo ku baaqay in la dhiso ciidan mideysan oo Bariga Afrika ah, Somalia-na qeyb weyn ka noqoto

 
 
Sabti, November 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa mar kale soo celiyay fikraddiisa ku saabsan in la dhiso Midowga Bariga Afrika (East African Federation) oo leh hal ciidan oo mideysan, si loo xoojiyo difaaca gobolka loona ilaaliyo mustaqbalka dalalka Bariga Afrika. 

Hadalkan ayuu ka jeediyay Mayuge State Lodge, isaga oo sheegay in isdifaaca dalalka Bariga Afrika uu maanta aad u kala daadsan yahay.

Museveni wuxuu soo jeediyay in ciidamada dalalka Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, iyo DR Congo la isku daro, si loo abuuro ciidan ka awood badan kan dal walba kaligiis leeyahay.

newsinsideSida uu sheegay, tani waxay inay keeni kartaa, difaac isku duuban, jawaab degdeg ah oo lagu wajaho khataraha amniga, qorshe amni oo fog, iyo in gobolka yeesho awood ciidan oo ka hortagta faragelinta shisheeye.

Museveni wuxuu ku adkaystay in dalalka Afrika ay muddo dheer ahaayeen kuwo u nugul faragelinta caalamka, sababa la xiriira midnimo la’aanta siyaasadeed iyo tan ciidan ee qaaradda. Wuxuu tusaale u soo qaatay Libya, oo uu sheegay in dalal shisheeye ay si fudud u burburiyeen iyada oo aan Afrika midaysani waxba ka qaban.

“Haddii aynaan qorshe ka yeelan difaac midaysan, dal walba wuxuu yeelanayaa ciidan u gaar ah oo aan isku xirnayn. Taas ayaa naga dhigtey in aanan ka jawaabi karin marka Afrika lasoo weeraro," ayuu yiri Museveni.

Museveni wuxuu sheegay in haddii la dhiso Midowga Bariga Afrika oo leh hal ciidan, gobolka uu yeelan doono xoog dhexe oo siyaasadeed iyo mid ciidan, taas oo wax badan ka beddeli karta kaalinta Afrika ee caalamka. Wuxuu ku tilmaamay arrintan tallaabo taariikhi ah oo dadka madow u dhisi karta awood la tixgeliyo.

Hadalka Museveni ayaa imanaya xilli dalalka Bariga Afrika ay hadda wadaan dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga amniga, gaar ahaan kaddib hadallo uu horey uga yiri muhiimadda istaraatiijiga ah dalalka Badweynta Hindiya.