Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Meel Mariyey Xisaab xirka Miisaaniyadda 2024

 

Sabti, November 22, 2025 (HOL) - Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii lixaad ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, iyagoo u codeeyay xisaabxirka miisaaniyaddii sanadka 2024 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeennada labada aqal iyo xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

newsinsideGuddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay warbixinta akhrinta saddexaad ee xisaabxirka, taas oo guddiyada maaliyadda ee labada aqal ay tirsiinayeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Markii loo guda galay codbixinta, 167 Xildhibaan ayaa oggolaaday xisaabxirka miisaaniyad-sannadeedka 2024, halka labo xildhibaan ay diideen, mid kalena uu ka aamusay.

Ansixinta kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelinta golaha kadib waxa uu dhammaan Bulshada la wadaagay in Sadexdii Sano ee la soo dhaafay ay Xukumaddu ku guulaystay in la sameeyo Xisaab-Xirka Dowaldda.

Go’aankan ayaa u oggolaanaya dowladda in ay si rasmi ah u xirto miisaaniyadda sanadkii hore oo qayb ka ahayd hab-raaca hufnaanta maaliyadeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Baarlamaanka uu hor yaallo hawlo culus oo muhiim u ah dalka, gaar ahaan dib-u-eegista iyo dhammaystirka Dastuurka KMG ah. Wuxuu tilmaamay in kalfadhiga toddobaad uu noqon doono mid Baarlamanku xoogga saari doono dhammeystirka nidaamka dastuuriga ah ee dalka.