Sabti, November 22, 2025 (HOL) - Ciidamada Amniga Puntland ayaa la wareegay Ceelka Marraagade, halkaas oo ahaa farriisimihii ugu dambeeyay ee ururka Daacish ay kaga sugnaayeen togga Baallade ee gobolka Bari.
Howlgal ay ciidanku ku qaadeen ceelka Marraagade ayaa sababtay inay halkaas isaga cararaan Daacishtii ku sugnayd. Sarkaal katirsan ciidanka Puntland ayaa u sheegay HOL in howlgalka saakay uu dhacay maalmo kaddib markii halkaas laga geystay duqeymo xooggan oo lala beegsaday godad ay ku jireen Daacish
newsinsideDhinaca kale, Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo Soomaali ah oo katirsanaa Daacish, kuwaas oo lagu kala magacaabo Maadeey Xuseen Ibraahim iyo Xasan Ibraahim Cabdiraxmaan.
Labadan nin ayaa xalay lasoo xiriiray ciidanka Puntland, iyagoo u sheegay inay doonayaan in ay iskusoo dhiibaan dowladda. Labadan nin ayaa waxay kamid ahaayeen Soomaalida kooban ee ku sugnayd togga Baallade.
Laamaha amniga ayaa labadan nin kusoo bandhigay meel u dhow tuulada Yalho oo 40km u jirta magaalada Boosaaso.
Soo qabashadooda raggan iyo qabashada ceelka Marraagade ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay bishaan November ku dhawaaqayso in lasoo afmeeray howlgalka Daacish oo socday muddo sanad ah.