Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda oo sheegay in Soomaaliya horumar ay ka sameeysay la dagaalanka musuqmaasuqa

Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, ayaa khudbad furitaan ah ka jeediyay Munaasabad Gaar ah oo ka dhacday shirkii 11aad ee Shirweynaha Dalalka Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa (COSP11), isaga oo ku hadlayay magaca Kooxda Dalalka Soo Koraya.

Khudbaddiisa, Faysal Aadan Xasan ayaa si cad u muujiyay in dalalka LDC-yada aysan ahayn ka-qaybgalayaal aamusan oo ku jira dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah musuqmaasuqa, balse ay yihiin dib-u-habeeyayaal firfircoon iyo hal-abuurayaal ka shaqeynaya xoojinta hufnaanta, cadaaladda, iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda xitaa iyagoo wajahaya duruufo adag, nuglaansho iyo kheyraad xaddidan.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa faahfaahiyay horumarka muhiimka ah ee Soomaaliya ka sameysay dhinaca la-dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Sharciga Hantidhowrka Federaalka ee 2023, Aasaaska Hantidhowre Guud oo madaxbannaan, Iyo hirgelinta Istaraatiijiyadda Qeybta Cadaaladda (2025–2029) oo si buuxda ula jaanqaadaysa Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa (UNCAC).

Sidoo kale, wuxuu ammaanay horumarka dhiirrigelinta leh ee arrimaha la dagaalanka Musuqa ay ka gareen dalalka sida Burkina Faso, Uganda, Zambia, Jaad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo kuwo kale, isagoo xusay in rabitaanka siyaasadeed, madax-bannaanida hay’adaha, ka-qaybgalka muwaadiniinta, iyo awood-siinta dhalinyarada ay yihiin tiirarka keena natiijooyin dhab ah.

Faysal Aadan Xasan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee La-Dagaallanka Dambiyada iyo Maandooriyaha (UNODC) martigelinta iyo abaabulka wada-hadalkan muhiimka ah, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay khubarada iyo  saaxiibada caalamiga ah ee ka go’an horumarinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Gebagebadii, wuxuu carrabka ku adkeeyay in farriinta kulanka ay ahayd mid cad.“Haddii la helo iskaashi sax ah, taageero joogto ah, iyo is-dhaafsi aqoon, dalalka soo koraya waa hoggaamin karaan dhismaha bulshooyin ka adkaysi badan musuqmaasuqa halkaas oo cadaaladdu aysan ahayn riyo, balse ay noqoto xaqiiqo la taaban karo" ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda.