
Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wajahaya dhaleeceyn iyo caro ballaaran oo ka imanaysa dalalka Geeska Afrika, kaddib markii ay baraha bulshada ku baahday khariidad muujinaysa Itoobiya oo ku darsatay qaybo ka mid ah dhulalka ay leeyihiin Soomaaliya, Eritrea iyo Jabuuti, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xeebaha Badda Cas.
Khariidaddan muranka dhalisay ayaa lagu arkay muuqaal (video) oo ay baahisay barta rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, xilli uu Abiy Axmed magaalada Addis Ababa ku qaabilayay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Arbacadii la soo dhaafay.
Falcelinno kulul ayaa ka dhashay muuqaalkaasi, iyadoo dad badan oo isugu jira falanqeeyayaal, aqoonyahanno iyo dad baraha bulshada ku firfircoon oo ka kala socda dalalka Geeska Afrika ay ku tilmaameen tallaabadan mid muujinaysa damac ballaarin dhuleed iyo isku day dib loogu soo nooleynayo hammiga Itoobiya ee helitaanka marin badeed.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in soo bandhigista khariidad noocan ah ay tahay farriin siyaasadeed oo halis ah, isla markaana ay si toos ah u dhaawaceyso madaxbannaanida iyo xuduudaha caalamiga ah ee dalalka deriska la ah Itoobiya.
Waxay sidoo kale ka digeen in arrintani ay sii hurin karto xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo cusub, xilli gobolka uu horeyba ula daalaa dhacayay khilaafaad iyo xaalado amni oo cakiran.
Dhinaca kale, dad badan ayaa ku tilmaamay tallaabadan “daandaansi cad”, iyagoo ku baaqay in beesha caalamka iyo ururrada gobolka ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada noocan ah, si looga hortago isku dhac hor leh oo ka dhaca Geeska Afrika.
Khabiirro ku takhasusay arrimaha gobolka ayaa carrabka ku adkeeyay in dib u soo qaadista arrimaha xuduudaha iyo marin-biyoodka qaabkan ah aysan wax faa’iido ah u keenayn xasilloonida gobolka, balse ay sii fogeyn karto dadaallada wada-shaqeyn iyo is-dhexgal dhaqaale oo ay dalalku u baahan yihiin xilligan adag.