
Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Waxaa maanta Salaaadii Jimcaha iyo tii Casir aanan lagu Tukan oo albaabada uu u xiran yahay Masaajidka loo yaqaano Masjidu Nuur ee ku yaala baratama magaalada Baledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xirnaashaha Masaajidka ayaa timid, kadib murum ka dhashay nidaamka maamul ee madaajidka oo ay isku qabsadeen shaqsiyaad wada maamuli jiray nidaamka Masjidka.
"Masaajidka rag ka mid ah Imaamyada iyo mu'adanada ayaa isku khilaafay hanaanka maamul ee maasjidka, kuwaas oo u kala jabay laba qeybood oo qeyb walbana ay dooneyso iney iyadu maamusho howlaha guud ee masaajidka, taasina waxay keentay in dhinacyada maasajidka gudahiisa lasoo galaan hub sidaas ayuuna ku xirmay maanta masaajidka Al nuur oo aan saladahii loogu tukan" ayuu yiri qof goob jooge ahaa oo la hadlay HOL.
Dadka ku nool magaalada Baledweyne ayaa maanta si weyn u hadal haaya dhacdadan oo noqotay kii ugu yaabka badneyd, maadama imaamkii ama khadiibkii loogu dhex gacan qaaday gudaha masaajidka.
"Waxaan la yaabno ayay noqotay Qadhiibkii markuu Fuulay Mim barka Masaajidka ayaa waxaa feer ku bilaabay nin kale oo ka mid ahaa guddiga Masaajidka Al nuur" ayuu raaciyay hadalkiisa qofka goob joogaha ahaa.
Si kastaba ha ahaate Masaajidkan ayaa ka mid ah Masajida ugu caansan Baledweyne, waxaana ku xiran Salaadaha Masjidkan lagu Tukado dad ku dhaw kun ruux, marka laga reebo salaadaha Cishaha iyo Salaada Subax, maadama uu yahay masjid ku yaala bartamaha magaalada Baledweyne.