Nin dhimirka ka xanuunsanaa oo maanta aano qabiil darteed loogu dilay degmada Wanlaweyn


Sabti, November 8, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duuleedka degmadaasi si arxan daro ah loogu dilay nin oday ahaa.

Ninka odayga ah oo la tilmaamay inuu ahaa qof dhimirka ka xanuunsana ayaa loo dilay aano qabiil darteed, waxaana dilkiisa ka wada qeyb qaatay dad tiro ahaan gaarayay 20 ruux oo isugu jiray kuwa hubeysan iyo kuwa aan hubeysneen.

newsinsideMarxuumka ayaa dilka ka hor la marsiiyay ciqaab aad u adag oo aanan horay Soomaalida uga dhex dhicin, taasoo muujineysa in dilalka la xariira aanooyinka qabiilka ay gaareen heerkii ugu xumaa abid.

Muqaal laga soo duubay marxuumka ayaa ahaa kii ugu naxdinta badnaa ee qof Soomaali ah loo geysto, waxaana dhacdadaan si weyn uga wada fajacay dadka Soomaaliyeed.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay laamaha amniga iyo bulshada deegaanka in si deg deg ah looga qaado tallaabo sharci iyo mid bulsho oo looga hortagayo falal noocan oo kale ah, islamarkaana cadaalad loo helo marxuumka sida foosha xumeyd loo dilay maanta.