Puntland oo qeylo-dhaan kaasoo saartay abaar ba’an oo ku dhufatay deegaanadeeda

 

Sabti, November 8, 2025 (HOL) - Puntland ayaa maanta soo saartay qeylo-dhaan degdeg ah oo ku saabsan abaarta ba’an ee ka jirta deegaanadeeda, taas oo saamaysay ku dhawaad hal milyan (1,000,000) oo qof.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in abaartu ay si weyn u saameysay gobollada Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar, iyo Raasicasayr, halkaas oo kumannaan qoys ay wajahaan cunto iyo biyo la’aan.

newsinsideWarbixin rasmi ah oo kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in 940,000 qof ay haatan la tacaalayaan saameynta abaarta, halka 130,000 qof ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar bini’aadantinimo.

Sidoo kale, xogta la helay ayaa muujinaysa in in ka badan 310,000 carruur ah oo ka yar 5 sano ay la ildaran yihiin nafaqo darro halis ah, halka 360,000 qof oo barakacayaal ah (IDPs) —intooda badan ah xoola-dhaqato— ayna ku jiraan xaalad nolol adag.

Puntland ayaa sheegtay in abaartan ay sabab u tahay isbeddelka cimilada iyo roobabkii oo ku yimid hakad afar xilli oo xiriir ah, taas oo keentay in dhulka intiisa badan uusan helin roob ku filan muddo labo sano ah.

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa sidoo kale sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda ay u badan tahay in ay noqdaan kuwo hooseeya marka loo eego celceliska sannadihii hore, taas oo sii adkeynaysa xaaladda dadka iyo xoolaha.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha maxalliga ah, kuwa caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyaha bani’aadantinimo ee jira, isagoo sheegay in dadka reer Puntland ay u baahan yihiin taageero degdeg ah si looga hortago musiibo bani’aadantinimo.”

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay shir degdeg ah oo la qaban doono Isniinta, 10-ka November 2025, kaas oo lagu qaban doono Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Shirkaas ayaa diiradda lagu saari doonaa isuduwidda iyo dardargelinta gurmadka abaaraha.