Sabti, November 8, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Buurane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaan ayaa la tilmaanay inuu ahaa mid amni xaqiijin ah iyo miino baaris ah, kaasoo ciidanka Burundi ka fuliyeen hareeraha wadada laamiga ah ee xariirisa Buurane iyo Jowhar.
newsinsideLama soo warin natiijada rasmiga ah ee kasoo baxday howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada Burundi ee la xariiray amni xaqiijinta iyo miino baarista ay ka sameeyeen hareeraha wadada laamiga ah oo marar hore ka dhaceen qaraxyo miino oo geystay khasaare kala duwan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in saraakiisha ciidanka Burundi ee howlgalka sameeyay inay la kulmeen qaar ka mid ah dadka degan hareeraha wadada laamiga, iyagoona wax ka weydiiyay nabadgalyada deegaanadooda iyo inay ka qeyb qaataan ka hortaga dhibaatooyinka Al-shabaab.
Ugu dambeyntii ciidanka Burundi ee ka howlgala deegaano kooban oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa qorshuhu yahay in ay dhawaan isaga baxaan dalka, waxaana booskooda la filaya iney buuxin doonaan ciidamada ka imaanaya dalka Masar ee qeybta ka noqoya howlgalka cusub ee AUSSOM.