Madaxweyne Xasan Sheekh oo codkiisa dhiibtay, Wada hadalna ugu baaqay Mucaaradka

Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballanqaaday in uu wadahadal furan la yeelan doono hoggaamiyeyaasha mucaaradka si wax looga qabto walaacyada laga muujinayo hanaanka doorashooyinka dalka, isagoo caddeeyay in “dhammaan albaabbadu ay u furan yihiin” wada-xaajood iyo is-afgarad qaran.

Madaxweynaha oo maanta la hadlaayay warbaahinta kaddib markii uu codkiisa ka dhiibtay Doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir, ayaa doorashada ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumar leh, kana tarjumeysa socdaalka dheer ee Soomaaliya ugu jirto dhismaha nidaam dimuqraadi ah, Waxa uu sheegay in doorashadu muujinayso bisayl siyaasadeed iyo ku-dhaqanka dastuurka dalka.

“Doorashada maanta dhacaysa waa marxalad taariikhi ah,” ayuu yiri madaxweynuhu, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka codbixinta tooska ah ee ‘Qof iyo Cod’ ay tahay horumar weyn marka loo eego doorashooyinkii dadban ee dalka ka jiray tobannaan sano. 

Waxa uu adkeeyay in wadahadalka loo dhan yahay uu yahay furaha lagu dhisi karo kalsoonida iyo midnimada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale qiray cabashooyinka ay muujiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriira qorshayaasha iyo dib-u-habaynta doorashooyinka, isaga oo sheegay in dowladdu ka go’an tahay la-tashi, hufnaan iyo hannaan siyaasadeed oo nabadeed.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka iyo xasilloonida dimuqraadiyadda.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa bogaadiyay shacabka Muqdisho ee ka qayb qaatay codbixinta, inkastoo ay jireen tallaabooyin amni oo adag iyo xiritaan guud oo magaalada lagu sameeyay si loo sugo ammaanka doorashada, Waxa uu amaanay hay’adaha ammaanka iyo guddiyada doorashooyinka doorka ay ka qaateen qabsoomidda doorasho nabad ah.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa qeyb ka ahaa madaxdii maanta codkoodi dhiibtay isagoo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka oo ay ka socdeen codbixinta, isagoo xubnaha guddiga iyo laamaha amaanka ku ammaanay howsha adag ay qabteen.

Guud ahaan isu socodka caasimadda Muqdisho ayaa la xanibay oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha oo aan wax duulimaad ah ka jirin maanta.

Doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah muddo 50 sano ah ayaa maanya ka socota magaalada Muqdisho, taas oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.