
Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Dagaal beeleed u dhexeeya laba beelood oo wada dega gobollada Salal iyo Awdal ee Somaliland, ayaa shalay iyo maanta ka dhacay gobolka Salal. Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya labada beelood.
Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo goor dhow warbaahinta la hadlay, ayaa beelaha ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka. Inkasta oo la soo warinayo in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hadana lama oga tirada dhabta ah ee dadka ku waxyeeloobay.
“Arrinta maalmahan socotay ee shalay iyo maanta dagaalku ka dhacay Saylac iyo agagaarkeeda, aad ayaan uga xunnahay in dagaal halkaas ka dhaco, isla markaana dadka shacabka ahi isdilaan. Waan ka xunnahay in dhiig ku daato, waana ka xunnahay in laba beelood oo walaalo ah ay isku dhacaan,” ayuu yidhi Xirsi.
Guddoomiye Xirsi ayaa beelaha dagaalku dhexmaray ugu baaqay inay is xakameeyaan isla markaana ay joojiyaan colaadda. Dhanka kale, waxa uu xukuumadda iyo ciidamada ku boorriyey inay farageliyaan, isla markaana ay kala dhex galaan beelaha dagaalamaya.
Colaadda u dhexeysa labada beelood ee wada dega gobollada Awdal iyo Salal ayaa soo ifbaxday dhawaan, kaddib markii mid ka mid ah beeluhu ay doontay in munaasibadda Xeer Ciise ay ku qabato magaalada Saylac, arrintaas oo ay beesha kale ka biyo-diiday, iyada oo ku doodday in xeerku beesha leh siinayo dhul ay iyagu leeyihiin.
Xukuumadda Somaliland ayaa horaantii bishan oggolaatay in munaasibadda xeerka lagu qabto Saylac, taas oo sababtay mudaharaado gilgilay magaalada Boorama, kuwaas oo ay ku dhinteen 19 qof. Kadibna, xukuumaddu way ka noqotay go’aankeeda.
Kadib go’aanka dambe ee xukuumadda, beesha leh Xeer Ciise ayaa ku dhawaaqday dagaal, iyadoo ugaaska beesha oo ku sugan magaalada Diridhaba ee Itoobiya uu ku baaqay dagaal ka dhan ah beesha ay wada dega yihiin. Arrintaasi ayaa horseed u noqotay colaadda hadda taagan, iyadoo beesha kalena ay dagaalka la qaadatay.
Hadda waxa gobollada galbeedka ku sugan odayaal dhaqameed ka socda qaybaha kale ee Somaliland, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka socda, kuwaas oo halkaas u jooga dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo colaadda.