
Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa fariin u diray kooxaha argigixisada iyo kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeday doorashada gobolka Banaadir.
Wasiirka oo maanta saxaafadda kula hadlay goobaha codbixinta ayaa sheegay, in doorashada Muqdisho ay si buuxda uga tarjumayso rabitaanka shacabka, isla markaana aysan khawaarijta iyo mucaaradka hor istaagi karin.
“Doorashadan waxaa diidanaa koox khawaarij ah oo hanjabaadyo u geystay dadka Soomaaliyeed, ku amray in aysan ka qaybgelin doorashooyinka, qofkii ka hor yimaada na lagu hanjabay dil. Laakiin maanta xargihii khawaarijta waa la furay, Muqdisho in ay nabad tahayna waa la caddeeyay, taasina waa jawaab cad oo ka timid shacabka. Kooxihii amniga ku fashilmayna waa la fashilay,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in qof la soo magacaabay uusan xukumi karin dadka, isagoo yiri: “Farriinta labaad ee doorashadu dirayso waxay tahay, 56 sano kaddib, qof lasoo magacaabay inama xukumayo. Xargihii dadka lagu hayay, kuwa loo guurguuran jiray, iyo kuwii dadka ihaanaysan jiray maantaa waa la furay.”
Waxa uu xusay in furitaanka xargaha uu siiyay fursad dhammaan dadka ka qaybgalaya doorashada inay codkooda dhiibtaan, isla markaana ay muujinayso in dalka dib loo dhisayo lana dhowrayo rabitaanka shacabka.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ku boorriyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay aqbalaan natiijada doorashada, kana fogaadaan carqaladeynta hanaanka dimuqraadiyadda. Waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay ceeb ku tahay sheegashada inay Muqdisho ka dhici doonaan qaraxyo haddii doorasho la qabto.