Raysal wasaare Xamse oo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala hadlay arrimo muhiim ah

Isniin, December 8, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku kulan yeeshay Safiirka dowladda  Shiinaha u fadhiya Soomaaliya  Wang Yu. 

Raysal wasaare Xamse ayaa danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta iyo arrimaha abaaraha ee ka taagan inta badan gobolada dalka.

Kulanka waxaa ku wehlinaayay Raysal wasaaraha guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xafiiska Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha ayaa Safiirka Shiinaha iyo dunida kale u cadeeyay in Soomaaliya ay gashay jawi nabdoon oo xasilion, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya ay tahay in dunida ay ku eegto indho cusub, wuxuuna cadeeyay in Muqdisho ay diyaar u tahay maalgashi toos ah oo heer caalami ah. 

Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Danjire Wang Yu kaalinta isgarab taagga ah ee dowladda Shiinaha ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay gudaha dalka, gaar ahaan gargaarkii ugu dambeeyay in la geeyay gobolka Awdal oo ay ka jireen abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ku nool gobolkaas. 

Danjiraha dowladda Shiinaha Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsanyahay kalsoonida dowlada Soomaaliya u muujisay shacabka iyo dowladda Shiinaha, wuxuuna adkeeyay in dhankooda ay si weyn u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya. 

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay safiirka,  kadib Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ku wareejisay deeq lacageed oo gaaraysa hal milyan oo doollar, Lacagtaas oo ay Dowladda Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.