Xaaska hoggaamiyaha cusub ee ISIS oo ka hadashay waxa ay ka ogtahay halka uu ku sugan yahay ninkeeda

Isniin, December 8, 2025 (HOL) - Muna Abdule, xaaska hoggaamiyaha cusub ee Daacish, Cabdulqaadir Muumin, oo ku nool dalka Britain, isla markaana korineysa saddexda carruur oo ay dhashay, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay waxa ay kala socoto halka uu ku sugan yahay seygeeda.

Muna ayaa u sheegtay warbaahinta Daily Mail in saygeeda Cabdiqaadir Muumin uu isaga tagay iyada iyo carruurteeda iyaga oo da’ yar, islamarkaasna uusan ogeysiinin halka uu u socdo, si uu u fuliyo ujeeddadiisa argagixiso ee caalamiga ah.

Waxay tiri: "Wuu naga tegey, maxaan kale oo aan dhihi karaa? Hore uma aanan arag, mana maqal in ka badan 10 sano. Carruurtu way garanayaan, laakiin xiriir lama lahan."

Muna, xaaska hoggaamiyaha Daacish waxay intaas ku dartay in ay ku adkaatay inay sharaxaad ka siiyo carruurteeda halka uu aabahood joogo iyo waxa uu sameynayo.

Waxay sheegtay in mar ay ku booqatay ninkeeda Soomaaliya, uu u sheegay inuu is beddelay, balse waxay sheegtay in aysan run noqon. Tan iyo markaas wixii ka dambeeya waxay sheegtay in aysan xiriir dambe la yeelan.

Wareysiga ay bixisay ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee ISIS uu weli ku dhuumaaleysanayo buuraha Cal Miskaad, xilli ay socdaan howl-gallo xooggan oo ay wadajir u fulinayaan ciidamada Puntland iyo kuwa gaarka ah ee Mareykanka.

25-kii November, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ISIS ku lahayd togga Baalade. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsanayo xarumo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen saraakiisha sare ee kooxda.

Howlkaas ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ISIS ah iyo15 dagaalame oo u kala dhashay Suuriya, Turkiga, iyo Itoobiya.