
Isniin, December 8, 2025 (HOL) - Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed oo culus ka soo saaray rabshadihii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaas oo ay ku naf-waayeen dad shacab ah halka kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa mudanayaasha Golaha ka hor akhriyay baaqa nabadeed ee Guddoonka iyo Xildhibaanadda ay u dirayaan Shacabka ku nool gobolka Awdal, waxaana loogu baaqay in laga wada shaqeeyo wada noolaashiyaha iyo xasiloonida degaanadaasi.
Guddoomiye Abshirow oo ka hadlayay kulanka ayaa yiri “Haddaan nahay Golaha Shacabka Soomaaliya waxaan baaq nabadeed u direynaa shacabka Awdal, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebbe bogsiin degdeg ah ha siiyo, Waxaan ka codsaneynaa in khilaafaadka lagu xalliyo xeer-hoosaadka Soomaaliyeed, Midnimada iyo xasilloonida waa in la ilaaliyo.”
Wuxuu intaasi ku daray in Golaha Shacabka ay garab taagan yihiin shacabka ku nool gobolka Awdal, isla markaana ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan xal waara iyo nabad lagu soo celiyo deegaanka.
Baaqan nabadeed ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay rabshado xoogan ay ka socdeen gobolka Awdal, waxaana Golaha Shacabka ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay nabadda, wada hadalka iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.