
Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa Magacaabay xubnaha cusub ee Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (G-MCQ), kaddib markii uu soo gebogabeeyay habraacyadii sharciyeed iyo tixgelinnadii lagama maarmaanka u ahaa dhismaha guddigan muhiimka ah sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka, kuna taariikhaysan 01 December 2025, ayaa lagu caddeeyay in magacaabistu ay waafaqsan tahay qodobbada Dastuurka KMG ah, Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Lr.31, iyo wareegtooyin hore oo qeexaya xilalka, mas’uuliyadda iyo hab-raaca shaqo ee guddigan.
Guddiga cusub oo ka kooban 15 xubnood, ayaa ka kala socda wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda, ururrada caafimaadka, bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha dawliga ah ee ku lug leh tababarka iyo tayeynta shaqaalaha caafimaadka dalka.
Magacyada xubnaha waxaa ka mid ah khubaro caafimaad, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda ururrada xirfadlayaasha caafimaadka ee heer qaran.
Wasiirka ayaa sheegay in guddigan laga filayo in ay dardar geliyaan kor u qaadista tayo-dhawrka xirfadaha caafimaadka, diiwaangelinta mihnadlayaasha, dejinta heerarka shaqo, iyo ilaalinta anshaxa xirfadeed ee adeega caafimaadka dalka.
Waxa uu sidoo kale faray xubnaha in ay si degdeg ah u gutaan waajibaadkooda, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha kale ee dowladda iyo bahda caafimaadka.
Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadka ayaa ku boorriyay xubnaha cusub in ay muujiyaan daacadnimo, karti iyo hufnaan, si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo tayo leh oo dalka oo dhan gaara.
Magacaabistaan ayaa timid kadib markii, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Soomaaliya ay soo dhoweeyeen go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare oo meesha ka saaray magacaabista Xoghayaha Guud ee cusub ee ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo Maxkamaddu dib u xaqiijisay madax-bannaanida golaha.

