Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay siyaasi dhawaan booqasho ku tagay Laascaanood

Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa shalay xabsiga dhigay siyaasi Jaamac Shabeel, oo dhawaan booqasho ku tagay magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay inuu nabad ka dhex-dhalinayo Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan halkaasi laga aas-aasay.

Jaamac Shabeel, oo aad uga soo horjeeday siyaasaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku galay dagaalkii Laascaanood, isla markaana u ololeyn jiray in labada dhinac ay wadahadlaan, ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland.

“Ciidanka Booliska JSL ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedaysane Jaamac Shabeel oo ku eedaysan arrimo kasoo horjeeda qaranimada, xadgudubna ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo dhawaanahan ku hawlanaa…” ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday booliiska. “Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka ee dalka.”

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa dhammaan dadka ku hawlan falalka xadgudubka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland.”

Jaamac Shabeel ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood waxa uu kulamo la qaatay siyaasiyiinta iyo bahda dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay sidii loo fududayn lahaa wadahadallo toos ah oo dhex mara Somaliland iyo maamulkaasi, iyo in maxaabiista la is dhaafsado.

Jaamac Shabeel waxa uu hore u sheegay in Somaliland aanay gaadhi karin xadka ay sheeganayso haddii dadka deegaanku aanay raalli ka ahayn, isaga oo marar badan laga qabtay hadallo uu ku durayo Somaliland. “Qaranka aad sheegaysaan muxuu ahaa? Oo yaa aqoonsan?” ayuu dhawaan ka sheegay Horyaal TV, isaga oo ku doodayay in Somaliland iyo Waqooyi Bari ay garba-siman u wada hadlaan.

Hore waxa Hargaysa loogu xidhay fanaanka Cabdirisaaq Anshax, oo safar ku tagay Laascaanood, iyada oo saacado uu ku xayirnaa madaarka Cigaal ee Hargaysa uu xorriyadiisa dib u helay, isaga oo raalli-gelin ka bixiyay safarkiisa oo uu ku tilmaamay mid aanu fasax uga helin xukuumadda.

Inkasta oo Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari aanay hadda ku jirin dagaal toos ah, haddana waxa u dhexeeya xiisad mar kasta dagaal isku baddali karta, iyadoo ciidamada labada dhinac ay weli is horfadhiyaan. Sidoo kale labada dhinac weli kuma ayna guulaysan inay is waydaarsadaan maxaabiis tiro badan oo ay kala haystaan.