4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Booliiska gobolka Banaadir oo sheegay in askar loo xiray dilka darawal bajaajle ah
 

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi, ayaa sheegay in askar loosoo xiray dilkii saakay Maxamed Cabdi Salaan oo Bajaajle ahaa loogu geystay degmada Howlwadaag.

Taliyaha ayaa sheegay in la xiray ciidamadii ku sugnaa bar kantarool oo uu dilku ka dhacay, isagoo sheegay in baaritaan lagu billaabay islamarkaana caddaaladda la horkeenidoono dambiilaha.

Taliyuhu ma sheegin in lasoo qabtay askariga ka dambeeyay falka dilka ah. Wuxuuse sheegay in cid kaste oo falkan ka dambeysay lagasoo qabanayo meel kaste oo ay aadaan.

Wuxuu taliyuhu sheegay in aysan suurtagal ahayn in rabshad looga jawaabo dilka dhacay, isagoo sheegay inuu booliisku gacan bir ah ku qabanayo rabshad sameeyaasha.

Maanta barqadii ayay ahayd markii askari katirsan ciidanka booliiska Howlwadaag uu dilay wiilka bajaajlaha, kadib muran dhexmaray. Dad caraysan oo falkaas kasoo horjeeday ayaa sameeyay mudaharaad ka dhan ah falka ay booliisku geysteen.

Muqdisho, dilka darawalada Bajaajlayaasha ayaa noqday wax soo noq noqda, iyadoo dowladdu illaa iyo hadda aysan caddaaladda ku fulin dadkii dilalkooda ka dambeeyay.