4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay shirarka odayaasha dhaqanka uga socda Laascaanood
 

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) -  Xubnaha wasiirada Somaliland ee Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in ay ogolyihiin shirkasta oo dhan oo aan ka hor imanayn qaranimada Somaliland, waxayna ka digeen faragalin shisheeye.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed kooda, ayaa sheegay in xukuumadu ogoshahay shirkasta oo dhaqan oo aan ka hor imanayn jiritaanka Somaliland.

"Xukuumada Somaliland waxay soo dhawaynaysa shirkasta oo dhaqan oo ay beeluhu qabsanayaan oo aan ka hor imanaynin jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirku waxa uu ka digay cidkasta oo isku dayda in ay soo faragaliso shirarka odayaasha dhaqanka Laascaanood uga socda magaalada, iyadoo duqay iyo odayaal dhaqameed ay kusoo qulqulayaan magaalada.

"Cidkasta oo ka tirsan maamul kale, ururo kale, dowlad kale waxa looga digayaa, in anay soo faragalin xaalada ka tagan gobolka Sool, iyo shirarka dhaqan ee beesha uga socda magaalada madaxda gobolka Sool ee Laascaanood" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha xukuumada ayaan wali gaadhin wax heshiisa, iyadoo odayaasha dhaqanku ay ku adkaysanayaan in Laascaanood ay xarun u noqoto maamul ka madaxbanaan Somaliland, xukuumada ayaana si wayn uga soo horjeeda arrinta.

Madax dhaqameed iyo hogaamiyaal jabhadeed oo Somaliland kasoo horjeeda ayaa Laascaanood ku sugan, dhinaca kalena xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil kale oo xukuumada ka socota, ayaa jooga.

Odayaasha ayaa horay ugu baaqay in Ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada, inkasta oo xukuumadu ogolaatay in ay yeeshan shir lagaga hadlayo xaaladana hadana lama oga waxa kasoo bixi doonaa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]