3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo goordhaw Darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu dilay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeeysanaayay Mooto Bajaaj oo lagu magacaabayay Maxamed Xeyle, kaasoo dilkiisa uu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Meydka wiilka dhalinyarada ah ee ku shaqeysanaayay Bajaajta ayaa mudo daqiiqado ah yaalay halka lagu toogtay, kadib markii ay diideen in la qaato meydka dhalinyaro kale oo u badnaa kuwa ku shaqeysta Mooto Bajaajta oo ka careysna dilka loo geystay wiilka Bajaajlaha ahaa.

Dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta ayaa isgoyska Howlwadaag ka bilaabay banaanbax rabshado wata oo ay uga soo horjeedaan dilka loo geystay wiilka Bajaajlaha ahaa, iyagoona dowladda ka dalbaday in lasoo qabto askariga dilka geystay oo hor geeyo Cadaaladda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka Bajaajlaha loogu geystay isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay wiilka la dilay in xilliga dilkiisa uu dhacaayay ay la socdeen xubno ka tirsan qoyskiisa oo mootada saarnaa.

Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilalka ay u geysanayaan ciidamada dowladda, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iney wax ka qabtaan askarta dilalka joogta ah u geystada.

"Subax walba waxaan usoo shaqa taga inaan Bariis u raadsado caruurteyda, laakiin waxaa qoray wadada inoola taagan askarta oo naga qaada maalin walba $15 doolar oo aanan naga go'in hadana dil ayay inoogu sii dareen waa waxaan loo dulqaadan karin" ayuu yiri wiil ka mid ahaa dhalinyarada ka banaanbaxeysay dilka loo geystay goordhaw wiilka Bajaajlaha ahaa.














Click here
1/21/2023 12:22 PM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi, ayaa sheegay in askar loosoo xiray dilkii saakay Maxamed Cabdi Salaan oo Bajaajle ahaa loogu geystay degmada Howlwadaag.

1/21/2023 10:09 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay duuleedka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

1/21/2023 7:09 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka digay in fara galin lagu sameeyo aayo katashiga deegaanada SSC.

1/21/2023 7:00 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Xubnaha wasiirada Somaliland ee Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in ay ogolyihiin shirkasta oo dhan oo aan ka hor imanayn qaranimada Somaliland, waxayna ka digeen faragalin shisheeye.

1/21/2023 5:51 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

1/21/2023 3:46 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Cod laga duubay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa muujinaya in xukuumadu ogolaatay in ay Laascaanood soogalaan odayaal wata ciidamo hubaysan.

1/21/2023 2:03 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta degan xaalada deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo shalay subaxnimadii hore ay ka dhaceen weerar khasaaro badan geystay, waxaana saakay halkaasi howlgalo baaritaano ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

1/21/2023 12:47 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.

1/21/2023 12:38 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen goobo ay kaga sugnaayeen Adwa iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.