12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Ciiidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay Janaay Cabdalle

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Lamasoo sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen si nabad ah deegaankaan oo kamid ah deegaanada Muhiimka u ahaa kooxda Alshabaab.

Tan iyo sannadkii 2020, Alshabaab ayaa haystay deegaankan oo u ah il dhaqaale oo weyn, kadib markii ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah weeraray deegaanka Janaay Cabdalle inta ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka.

Lama oga inay ciidamadu halkaas sii joogidoonaan, waxayna kusoo aaday qabsahadeeda xilli lagu wado in Jubbaland uu ka bilowdo howlgal dib u xorayn ah oo lagu weerarayo dhulka uu haysto Alshabaab.

Si lamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo dhulkooda badi laga xoreeyay kooxda Alshabaab oo deegaanada qaarkood ay haysatay muddo ka badan 15 sano.












Click here
1/21/2023 12:22 PM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi, ayaa sheegay in askar loosoo xiray dilkii saakay Maxamed Cabdi Salaan oo Bajaajle ahaa loogu geystay degmada Howlwadaag.

1/21/2023 10:09 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay duuleedka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

1/21/2023 7:09 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka digay in fara galin lagu sameeyo aayo katashiga deegaanada SSC.

1/21/2023 7:00 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Xubnaha wasiirada Somaliland ee Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in ay ogolyihiin shirkasta oo dhan oo aan ka hor imanayn qaranimada Somaliland, waxayna ka digeen faragalin shisheeye.

1/21/2023 3:46 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Cod laga duubay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa muujinaya in xukuumadu ogolaatay in ay Laascaanood soogalaan odayaal wata ciidamo hubaysan.

1/21/2023 2:52 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu dilay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeeysanaayay Mooto Bajaaj oo lagu magacaabayay Maxamed Xeyle, kaasoo dilkiisa uu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

1/21/2023 2:03 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta degan xaalada deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo shalay subaxnimadii hore ay ka dhaceen weerar khasaaro badan geystay, waxaana saakay halkaasi howlgalo baaritaano ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

1/21/2023 12:47 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.

1/21/2023 12:38 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen goobo ay kaga sugnaayeen Adwa iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.