4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Koonfur Galbeed oo sheegtay in ka badan 10 Shabaab ah in lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Goof Gaduud
 

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ka badan 10 Shabaab ah in lagu dilay weerarkaan, waxaana la sheegay in looga gubay gaadiid dagaal.

Dagaalka waxaa iska kaashaday ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda ah degen, waxaana madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhiirri galiyay ciidamadu inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.