5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Ciidamada Eritariya oo ka baxay magaalooyinka Adwa iyo Aksum oo kamid ah gobolka Tigray

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen goobo ay kaga sugnaayeen Adwa iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Goobjoogayaal ku sugan magaalooyinka Adwa iyo Aksum ee gobolka Tigray, ayaa Warbaahinta u sheegay inay arkayeen Ciidamada Eritariya oo wata gawaadhidooda kala duwan ee dagaalka oo kasii baxaya gobolka Tigray, iyagoo ku dhawaaqaya hal ku dhegyo ay kamid yihiin " Eritariya way guuleysatay".

Marar kala duwan oo hore ayaa sidan oo kale lasoo sheegay in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen gobolka Tigray, balse markan waxaa la sheegayaa inay yihiin ciidankii u badnaa ee Eritariyaan ah ee ka baxa gobolka Tigray, iyadoo sidoo kale lasoo sheegayo in goobaha ay baneeyeen Ciidamada Eritariya ay yimaadeen Militariga Itoobiya.

Ciidamada Eritariya ayaa muddo labo sano ah ka barbar dagaallamayay kuwa Itoobiya oo dagaal ba'an kula jiray TPLF, iyadoo Eritariya lagu eedeeyay inay gabood fallo kala duwan ka gaysatay gobolka Tigray mudadii uu socday dagaalku.

Eritariya ayaa eedaymahaa loosoo jeediyay ku tilmaantay kuwo aan waxba ka jirin, sidoo kalena aan marna soo hadal qaadin kaalintooda ay ku lahaayeen dagaalka u dhaxeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya ee dhawaan lasoo afjaray.

Wali dowladda Itoobiya, Eritariya iyo TPLF midna kama hadlin bixitaankan u dambeeyay ee ay Ciidamada Eritariya ka baxeen magaalooyinka Adwa iyo Aksum ee gobolka Tigray.












Click here
1/21/2023 12:22 PM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi, ayaa sheegay in askar loosoo xiray dilkii saakay Maxamed Cabdi Salaan oo Bajaajle ahaa loogu geystay degmada Howlwadaag.

1/21/2023 10:09 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay duuleedka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

1/21/2023 7:09 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka digay in fara galin lagu sameeyo aayo katashiga deegaanada SSC.

1/21/2023 7:00 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Xubnaha wasiirada Somaliland ee Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in ay ogolyihiin shirkasta oo dhan oo aan ka hor imanayn qaranimada Somaliland, waxayna ka digeen faragalin shisheeye.

1/21/2023 5:51 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

1/21/2023 3:46 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Cod laga duubay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa muujinaya in xukuumadu ogolaatay in ay Laascaanood soogalaan odayaal wata ciidamo hubaysan.

1/21/2023 2:52 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu dilay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeeysanaayay Mooto Bajaaj oo lagu magacaabayay Maxamed Xeyle, kaasoo dilkiisa uu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

1/21/2023 2:03 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta degan xaalada deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo shalay subaxnimadii hore ay ka dhaceen weerar khasaaro badan geystay, waxaana saakay halkaasi howlgalo baaritaano ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

1/21/2023 12:47 AM EST
Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.