4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo dhoweeyay ciidamada Maraykanka ee loosoo dirayo Soomaaliya
 

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u mahadceliyay madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden oggolaanshaha uu u fasaxay in ciidamada Mareykanka loo diro gudaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa ku ammaanay Mareykanku inuu had iyo jeer yahay saaxiib la isku halayn karo oo Soomaaliya garab ku siiya xasiloonida iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa saxiixay qorshe 500 askari loogu dirayo Soomaaliya, si ay u qaadaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo la ogsoon yahay inay weeraradooda kordhiyeen tan iyo markii ciidamada Maraykanka ka baxeen Soomaaliya.

Lama oga goor ay ciidamadan imaan doonaan Soomaaliya, hase ahaatee, maamulka Biden ayaa meesha ka saaray sharci horey uu usoo dajiyay madaxweynihii hore ee Maraykanka, kaas oo inta uusan xilka wareejin 700 askari ka saaray Soomaaliya.

Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa marar badan ku celceliyay baahida loo qabo in dib loosoo   celiyo joogitaankii Maraykanka ee Soomaaliya, si buu yiri hoos loogu dhigo qatarta Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]