4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo gaadhay heshiis hor dhac ah

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay khilaafka xuska 18 May, isla markaana wadahadalo ku saabsan khilaafka doorashooyinka, ayaa loo balamay in ay bilaabmaan 18 May kadib.

Kulan kan oo uu gogoshiisa fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa layskula afgartay in xuska 18 May  cidii caasimada joogtaana wada dabaal dagto, cidii gobolada u baxaysaana gobolka ay doonto ku dabaal degto, habeenimada qolo waliba meesha ay doonto ku dabaal degto.

"Kulan fiican ayaa dhacay si wanaagsan ayaa layskula gartay in 18 May oo maalintii qaranka ah hadii la wada joogana inta wada joogtaa wada qabato, hadii la kala maqanyahayna meelaha lagu kala maqanyahay lagu kala qabto, waxaanu leenahay bulshada Somaliland nabad ku dabaaldaga" sida waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dhinacyadu ay ku balameen in wadahadalo lagaga arrin sanayo khilaafka doorashooyinka layskugu yimaado xuska 18 May kadib.

"Caawa si niyad wanaaga ayaa layskugu yimid waxa layska afgartay in waxyaabaha laysku khilaafsanyahay in xiliga ay dhamaato 18 May, in markaa layskaga yimaado, si qoto dheerna markaa looga wadahadlo, inta ka horaysana qolo waliba dhankeeda kasoo diyaar garowdo" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Faysal Cali Waraabe, wasiiro iyo saraakiil kale.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online