
“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas'uuliyadda amni ugala wareegaan howlgalka ATMIS,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.
newsinsideMaraykanka ayaa sheegay in looga fadhiyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay dowladdiisu dib-u-habayn ku sameyso dhaqaalaha si loo dhamaystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoojinta dhaqaalaha; iyo fududaynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee malaayiinta Soomaalida ah ee la ildaran abaarta ba’an, Dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka.
Maraykanku waxa uu ku booriyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in wakhtiga ku haboon lagu soo dhiso dawlad cusub iyo la shaqaynta madaxda dowlad goboleedyada si loo gaadho Soomaaliya oo nabad ah, dimuqraadi ah oo barwaaqo ah.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]