4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Ceelbaraf iyo Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Balcad
 

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Maanta dib ula wareegay gacan ku heynta Saldhiga deegaanka Ceelbaraf, halkaas oo laba todobaad ka hor Al-shabaab kula wareegeen weerar culus oo ay qaraxyo ku bilaaween, kaasoo geystay khasaarahii ugu badnaa ee abid ciidanka Burundi kasoo gaara gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa inta aysan la wareegin deegaanka Ceelbaraf waxay aroornimadii hore ee saakay ku garaaceen tiro madaafiic ah oo ilaa hada aanan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, waxaana la sheegay in ciidanka xoogiisa ay deegaanka ku tageen diyaaradaha khumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helikobtarka.

Dhinaca kale qarax bambo oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray goob Maqaayad ah oo ku taala afaafka hore ee xarunta degmada Balcad, kaasoo geystay dhaawacyo soo gaaray xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyay sadax ruux ayaa dhaawacyo kasoo gaareen weerarka bambaano, waxaana dadka ku dhaawacmay ka mid ah guddoomiyaha Maxkamada degmada Balcad, guddoomiyaha tuulada Mareereey iyo mid ka mid ah nabadoobada degmadaasi, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Saldhiga Booliiska  degmada Balcad Gaashaanle Xuseen Macalin Cabdulle.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in qofka bambaanada ku tuuray Maqaayada uu isaga baxsaday goobta, hayeeshee ay ku raad joogaan ciidanka Booliiska degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah waxay inta badan ka geystaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online