8/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Biden oo ogolaaday in ciidamada Maraykanka dib loogu soo celinayo Soomaaliya

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday codsi uga yimid Pentagon-ka oo ku saabsanaa in ciidamada Mareykanka dib loogu soo celiyo Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab, sidaas waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka.

Talaabadan ayaa meesha ka saareysa go’aankii uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ku gaaray in dhammaan ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya sanadkii 2020-ka.

Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameyn doona ciidamadiisa ku sugan bariga Afrika, waxaana uu u dhaqaaqi doonaa soo celinta joogitaankiisa Soomaaliya isagoo la tashanaya dowladda federalka Soomaaliya, sida uu sarkaalkani sheegay.

In ka yar 500 oo askari ayuu Maraykanku dib ugu  celin doonaa gudaha Soomaaliya. Balse Pentagonku ma soo celin doonaan tiradii guud ee ciidamada Maraykanka ka joogay Soomaaliya ka hor xilligii Trump, tiradaas oo ahayd ilaa 750 askari.

"Waxaan aragnay, wax laga xumaado, caddeymo cad oo muujinaya in Al-shabaab ay damacsan tahay oo awood u leedahay inay beegsato dadka Mareykanka ah," ayuu yiri sarkaalka, isagoo xusay in kooxda Alshabaab ay bariga Afrika ku dishay in ka badan 12-qof oo Mareykan ah sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku dileen saldhigga ciidamada Mareykanka ee dalka Kenya.

Sarkaalku ma xaqiijin doono in Biden uu fasaxay in la beegsado hoggaamiyeyaasha gaarka ah ee al-Shabaab iyo in kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]  












Click here
5/17/2022 4:25 PM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u mahadceliyay madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden oggolaanshaha uu u fasaxay in ciidamada Mareykanka loo diro gudaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka Alshabaab.

5/17/2022 12:52 PM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulan la qaatay madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka, kadib kulan qado ah oo uu sameeyay Madaxweynaha la doortay ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

5/17/2022 10:00 AM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Maanta dib ula wareegay gacan ku heynta Saldhiga deegaanka Ceelbaraf, halkaas oo laba todobaad ka hor Al-shabaab kula wareegeen weerar culus oo ay qaraxyo ku bilaaween, kaasoo geystay khasaarahii ugu badnaa ee abid ciidanka Burundi kasoo gaara gudaha Soomaaliya.

5/17/2022 8:05 AM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Waxaana la sheegay inay ka wada hadleen xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha

5/17/2022 3:45 AM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS in saakay aroornimadii hore tiro madaafiic ah ay ku garaaceen deegaanka Ceelbaraf.

5/17/2022 3:15 AM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay dhameystirka hannaankii doorasho ee dalka. Waxayna sidoo kale u hambalyaysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5/17/2022 1:58 AM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya la qabtay habeenimadii axada, taas oo uu ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud.

5/17/2022 1:45 AM EST
Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay khilaafka xuska 18 May, isla markaana wadahadalo ku saabsan khilaafka doorashooyinka, ayaa loo balamay in ay bilaabmaan 18 May kadib.