4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Madaxweyne Biixi "Hadii Soomaaliya dagaal ka fursan waydo cashar ayaynu u dhigi"
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaad gudihii markale, ka hadlay suurtagalnimada dagaal ay dowlada Soomaaliya kusoo qaado Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland is difaaci doonto.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasibad ay ku qalinjabinayeen saraakiil ciidan, ayaa sheegay in Somaliland ay iska difaaci doonto dagaal kaga yimaada Soomaaliya, hadii dowlada Soomaaliya ay dagaal ka fursan waydo.

"Cidna dagaal ku bilaabi mayno, qolo halkan ah oo aad inooga soo horjeeda hadii ay dagaal ka maarmi waayaana, casharkii aynu aabayaashood u dhignay mid lamid ah ayaynu u dhigi doona hadii Alle yidhaahdo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waa markii labaad ee uu madaxweyne Biixi ka hadlo dagaal ka yimaada dhinaca dowlada Soomaliya todobaad gudihii, hadalka madaxweynaha ayaa yimid kadib markii safiirka Soomaliya u fadhiya dalka China, uu sheegay in Somaliland ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto xidhiidhka ay la leedahay Taiwan.

Rag uu ka mid yahay safiir hore oo dowlada Soomaaliya u fadhiyi jiray Maraykanka iyo saraakiil hore uga mid ahaa dowladii kacaanka ayaa marar kala duwan ku baaqay in Somaliland xoog loo isticmaalo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online