Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay is-hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan.
newsinsideShariif Xasan ayaa maalmo ka hor loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo, isagoo qorshihiisu ahaa inuu u tartamo kursi barlamaan. Hase yeeshee waxaa loo diiday inuu ka duulo garoonka Aadan Cadde.
Warsaxaafaddeed kasoo baxay midowga musharraxiinta ayaa xanibaada safar ee lagu sameeyay Shariif xasan waxaa lagu tilmaamay inay ahayd arrin kasoo horjeeda xaquuqda dastuuriga ee muwaadiniinta Soomaaliya.
Musharraxiinta waxay eeda xanibaada Shariif Xasan dusha uga saareen maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya dowladda federalka Soomaaliya.
Waxay sheegeen tallaabadan inay qeyb ka tahay waxay ugu yeereen boobka lagu hayo doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online