4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaal mudo kooban ka socday afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan Maanta ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca iyo cida uu u dhaxeeyay dagaalka.

Xerada Lamagalaay waxaa ku yaala aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hirshabeelle, Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbadal doonka ah.

Dagaalkan ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay uu cirka isku sii shareeray khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo isku fahmi waayay hanaanka loo maamulayo doorashada 11-kursi oo ka harsan kuraasta Baledweyne taala ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xaalada magaalada ayaa haatan ah wali mid cakiran maadama ciidamadii wada dagaalamay ay wali kuwada sugan yihiin gudaha xerada lamagalaay ee magaalada Baledweyne, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan dagaalka goordhaw ka dhacay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online