4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Wasiir Kaahin: Doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii ayay ku dhacaysa

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabaya hadalkii musharaxa xisbiga Waddani, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu wakhtigeedi ku dhacayso, furista axsaabta siyaasaduna sharci tahay.

Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Biixi, ay u qorshaysantahay in doorashada madaxtooyada la qabto bisha November.

"Madaxweynaha Somaliland marna lagama maqal doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13 November dib ha u dhacdo, madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye intuba waxay diyaar u yihiin in doorashadu xiligeedii ku dhacdo" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa kale oo uu xusay in furista ururrada siyaasada uu dhigayo xeer dhaqan gal ah, oo la meel mariyayay markii uu musharax Cirro ahaa guddoomiyaha baarlamaanka.

"Ururrada siyaasada waxaa qeexaya oo dhigaya xeer Lr 14, xeerka waxa la ogolaaday xiligii uu mudane Cabdiraxmaan Cirro uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka, goormuu xeerkaasi xaaraan noqday" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Axsaabta mucaaradka Somaliland, ayaa kasoo horjeeda in doorashada ururrada la qabto kahor doorashada madaxtooyada, iyadoo xukuumada Somaliland-na ku adkaysanayso in doorashada ururrada la qabto kahor madaxtooyada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]