4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Cirro: Doorashada madaxtooyada waxa galaya saddexda xisbi ee hada jira
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa markale, kasoo horjeestay qorshaha xukuumada Somaliland ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururrada.

Cirro ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu ugu soo horaynayso, isla markaana ay galayaan saddexda xisbi ee hada jooga.

"Shacbiga Somaliland waxan u sheegaya in doorashadii madaxtooyadu ku mudaydsantahay 13, November, 2022, cid ku muran sani ma jirto cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa galaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hada jira" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in hada doorashada madaxtooyada oo kali ahi diyaartahay "Doorashada madaxtooyada Somaliland, waa doorashada kaliya ee ay u dhanyihiin, xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo miisaaniyadii lagu hirgalin lahaa".

Waxa kale oo uu sheegay in doorashada furista ururrada siyaasadu ay ka danbaynayso ta madaxtooyada "Labada doorasho ee kale, doorashada axsaabta qaranka iyo golaha guurtidu way ka danbaynayaan ta madaxtooyada".

Waxa uu sheegay in madaxda axsaabta iyo madaxweynaha midna aanu go'aan ka gaadhi karin habka loo galayo doorashooyinka oo ay tahay arrin u taala guddida doorashooyinka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online