3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo markale weerar afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan u tartamida kuraasta harsan ee doorashadoodu taalo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay khilaafka culus ee soo kala dhexgalay madaxweyneha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa.

Kadib khilaaf kasoo talaabay shir ay isku fahmi waayeen Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa gaaray halkii ugu sareysay, waxaana guuldareystay dedaalo kala duwan uu sameeyeen xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo doonayay in xal laga gaaro khilaafka labada masuul.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo wareysi siiyay TV-ga Universal ayaa sheegay in kulankoodii dhawaan ay la qaateen labada masuul ee ugu sareysa Hirshabeelle ay u muujiyeen rejo wanaagsan oo ah in doorashada kuraasta taala Baledweyne loo qabto si daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Goodax Barre ayaa sheegay iney ka war heleen iney is badesahay aragtida madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dagabeed oo go’aansaday in kuraastaas dad loo xiro Musharaxiin gaar ah, halka uu diiday Madaxweyne Guudlaawe.

“Khilaafka waxa uu salka ku hayaa culeys muddooyinkii dambe jiray oo la xiriira 11ka kursi ee Baledweyne lagu dooranayo, Madaxweynuhu waxa uu waafaqay in kuraasta la furo oo lagu tartamo halka madaxweyne ku xigeenka uu rabo in dad loo xiro, kulankii labadaan masuul ee Musharixiinta la yeesheen waxa ay u sheegeen in tartan furan la galayo oo way ku wada qanceen musharixiintu balse war ka duwan hadalkaas ayaa soo yeeray oo qoolkii ay sheegeen oo mid kamid ah uu rabo in uu ka baxo” ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in Yuusuf Dabageed aysan aqoonsaneyn mar haduu madaxweynaha Hirshabeelle goob joog yahay, islamarkaana ay ka sugayaan qabashada doorasho si daahfuran loogu tartamo.

18-kii December 2021 ayay aheyd markii uu magaalada Baledweyne si rasmi ah uga shaaciyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in Kuraasta taala Baledweyne ay la rabaan dad ay doonayaan, taasi oo haatan noqotay mid uu doonayo inuu rumeeyo Yuusuf Dabgeed, islamarkaana ay ka biyo diidan yihiin Musharaxiinta u taagan tartanka kuraastaasi oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Goodax Barre.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
3/8/2022 10:26 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaad gudihii markale, ka hadlay suurtagalnimada dagaal ay dowlada Soomaaliya kusoo qaado Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland is difaaci doonto.

3/8/2022 10:17 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabaya hadalkii musharaxa xisbiga Waddani, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu wakhtigeedi ku dhacayso, furista axsaabta siyaasaduna sharci tahay.

3/8/2022 8:01 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay is-hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan.

3/8/2022 5:58 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaal mudo kooban ka socday afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

3/8/2022 3:45 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa markale, kasoo horjeestay qorshaha xukuumada Somaliland ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururrada.

3/8/2022 1:48 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in qaar kamid ah masuuliyiinta degmada Godgod ee Gobolka Afdheer lagu helay musuq ay u gaysteen deeqdii gurmadka abaaraha loogu talo galay ee degmada God god.

3/8/2022 12:44 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in balaayiin lacag ah lagu lunsaday heshiis been abuur ah oo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda Jabuuti iyo koox ganacsato ah.

3/8/2022 12:11 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland iyo shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP-world, ayaa ku heshiiyay in maamulka dekeda Bosaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shano ah gacanta ku haysay dekeda.