4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Afdheer : Dowladda oo tallaabo ka qaaday xubno lunsaday raashinkii abaaraha loogu talagalay
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in qaar kamid ah masuuliyiinta degmada Godgod ee Gobolka Afdheer lagu helay musuq ay u gaysteen deeqdii gurmadka abaaraha loogu talo galay ee degmada God god.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Afdheer oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubnahan lagu helay dhac ay xilli habeen ah u gaysteen Bakhaarkii raashinka abaaruhu yaalay ee degmada God god, iyagoo ka qaatay  30 Kiish oo Bariisa ah, 25 Kiish oo Sonkor ah iyo 5 jeergaan oo Salliid ah.

Xubnaha musuqa lagu helay ayaa kala ah Madaxii Xafiiska Arrimaha Siyaasadda, Madaxii Xafiiska Nabadgalyda, iyo Madaxa Xafiiseedkii kahortaga khataraha iyo Masiiboyinka ee Degmada God-god, waxaana xubnahan lagu xukumay min 12 sano oo xarig ah iyo 15 kun oo Birr oo ganaax ah.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii u horreysay ee nooceeda ah ee ay dowladdu qaado, tan iyo intii abaartu billaabantay ee degmooyinka degaanka lagaarsiiyay raashinka loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dadka degaanka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay tallaabadan ay dowladdu kaga tallaaba qaaday xubnahan lunsaday raashinkii dadka masaakiinta ah loogu talagalay, waxayna arrintani kusoo hagaagaysaa xilli ay dowladdu u guntatay sidii tallaabo cad looga qaadi lahaa, ciddii lagu helo isdaba marin ku saabsan deeqaha kala duwan ee loogu talo galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee dowlad degaanka Soomaalida

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]