4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Jabuuti oo xabsiga u taxaabtay mas’uuliyiin lagu eedeeyay inay lunsadeen hanti dowladdeed
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in balaayiin lacag ah lagu lunsaday heshiis been abuur ah oo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda Jabuuti iyo koox ganacsato ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska hanti dhowrka ayaa lagu yidhi: “Wasaaradda Miisaaniyaddu waxay ku takri-fashay hantidii dawladda ee loo igmaday inay ku baxdo kharashaadka dawladda, iyadoo bixisay adeegyo badan oo u muuqda kuwo shaki ku jiro oo aan jirin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab aan loo baahnayn iyo agab ay wasaaraddu marar badan dalbatay, taasoo la sheegay inay dib u dhis ku samaynayso dhismaha wasaaradda iyo sidoo kale qalab kale oo ay ka mid yihiin qalab xafiiseed, kuwaas oo balaayiin lacag ah ku kacaya.

Hanti dhowrku waxa uu sheegay in la xidhay laba masuul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore. Sidoo kale waxaa uu sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku howlan wax isdaba marinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Ganacsato dhowr ah ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay, ayna dib u soo celiyeen qaar ka mid ah lacagihii ay lunsadeen.

Baaritaanka ayaa la sheegay inuu sii socon doono, waxaana dadka ku lugta leh loo gudbin doonaa xafiiska xeer ilaalinta si cadaaladda loo horgeeyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online