5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Puntland iyo DP world oo dekeda Bosaso ku wareejiyay shirkad cusub
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland iyo shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP-world, ayaa ku heshiiyay in maamulka dekeda Bosaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shano ah gacanta ku haysay dekeda.

Waxaa dekeda maamulkeeda lagu wareejiyay shirkad aan weli magaceeda la sheegin sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

Shirkadda B&O ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay heshiiskii dekeda Bosaso oo ahaa in dhismaha ballaarinta dekeda la bilaabo, inkastoo arrintaas ay saamayn ku yeelatay dilkii madaxii shirkadda B&O, Paul Farmosa oo Bosaso lagu dilay february 2019.

Wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.

Ganacsatada Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, iyagoo sheegay inay maalgashi ku sameysanayaan dekeda Bosaso.

Laakiin arrintaas Puntland ma aysan aqbalin, waxayna sheegtay in ay weli tixglinayso heshiiska DP World.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online