3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Al-shabaab oo ka hadashay duqeymo diyaaradeed oo Maanta ka dhacay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka hadlay duqeymo diyaaradeed oo Maanta ka dhacay deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradaha Maanta duqeeyay deegaanka Coomaad ay ahayeen diyaarado ay leedahay dowladda Itoobiya oo gantaalo ku dhuftay deegaanka, hayeeshee aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaasi.

Dadka deegaanka Coomaad oo aan la hadalnay ayaa sheegay in diyaaradaha duqeymaha geystay ay ahayeen kuwa joog hoose ku socda oo dhowr jeer duqeynta ka hor dulmaray gudaha deegaanka, waxayna tilmaameen in diyaaradaha ay kasoo galeen jihada xaduuda Itoobiya, hayeeshee aysan garanen cida iska leh diyaaradahaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Itoobiya oo ku aadan in diyaaradaheeda ay fuliyeen duqeymaha barqanimadii Maanta ka dhacday deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/31/2022 6:13 PM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle , Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow magacaabay golaha wasiirrada , ka dib labo sanno oo u xafiiska joogay.

7/31/2022 4:55 PM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku qabanayaan bannaanbaxyo nabadgalyo.

7/31/2022 4:48 PM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Shirkadaha lacagaha u dira Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Sweden ayaa waxaa la soo daristay walwal wayn oo sabi kara in bisha July 2022 wixii ka danbeeya aanay bankiyada isticmaalin karin dhammaantood.

7/31/2022 9:21 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - 16-kii markab ee ugu horeeyay oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo ku socdaalaya marinka uu ilaalinayo dalka Turkiga, ayaa shixnaddoodii ugu horeysay oo gargaar ah gayndoona Soomaaliya.

7/31/2022 7:26 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Barqanimadii Maanta ay halkaasi duqeymo ka geysteen diyaarado dagaal.

7/31/2022 5:36 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shaaab ayaa 7 ruux oo dhamaantood ahaa rag ku toogtay goob fagaare ah oo ku taala deegaanka lagu magacaabo Buulaay ee ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahayeen basaasiin u shaqenayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

7/31/2022 4:46 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Banaadir ayaa ku biiray howlgalada maalmahii dambe ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ay kula dagaalamayeen Ciyaal weeradda dhibaatada ku haaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

7/31/2022 2:03 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Taliska ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa beeniyay in ciidamo looga dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Marka.

7/31/2022 1:56 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa sheegay in 600 oo askari oo katirsan Alshabaab lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee xadka Soomaaliya.