3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Sweden: Shirkadaha lacagaha udira Soomaaliya oo walwal xooggan ay lasoo daristay
 

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Shirkadaha lacagaha u dira Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Sweden ayaa waxaa la soo daristay walwal wayn oo sabi kara in bisha July 2022 wixii ka danbeeya aanay bankiyada isticmaalin karin dhammaantood.

Sharkadahan waa shirkado shatiyo haystay muddo 10 sano ka badan, adeeg muhiim ahna u hayay dadka qurbojoogta ah ee caawiya carruurtooda iyo waalidiintooda deggan qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe.

Lama garanayo sababta dowladda Sweden waqtigaan u xirayso shirkaddahan. Walow hadda ka hor ay dowladda Sweden sheegtay in lacagaha loo diro Soomaaliya ay ka cabsi qabto in lagu maalgaliyo Alshabaab.

Shirkadahani waxay bulshada u sameyn jireen adeegga lacag dirista fudud ee dadka abaaraha ku habsadeen, duufaanada, carruurta waxbarata, iyo dadka caafimaad la’aanta la ildaran ee badankooda deggan Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysalwasaare Xamze ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan inay soo fara galiyaan xaaladdan islamarkaana ay Safiirada Sweden iyo EU-da kala hadlaan inaan la xirin shirkadahan.

Jaaliyaddu waxay sheegtay inay la gudboon tahay inay ashtako ka gudbiyaan bankiyada Sweden, kuwaas oo lagu eedeeyay in si gaara loo bartilmaameedsado shirkadaha lacagaha u dira Soomaaliya ee haysta ogolaashaha lacag dirista.












Click here
7/31/2022 6:13 PM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle , Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow magacaabay golaha wasiirrada , ka dib labo sanno oo u xafiiska joogay.

7/31/2022 4:55 PM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku qabanayaan bannaanbaxyo nabadgalyo.

7/31/2022 9:52 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka hadlay duqeymo diyaaradeed oo Maanta ka dhacay deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

7/31/2022 9:21 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - 16-kii markab ee ugu horeeyay oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo ku socdaalaya marinka uu ilaalinayo dalka Turkiga, ayaa shixnaddoodii ugu horeysay oo gargaar ah gayndoona Soomaaliya.

7/31/2022 7:26 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Barqanimadii Maanta ay halkaasi duqeymo ka geysteen diyaarado dagaal.

7/31/2022 5:36 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shaaab ayaa 7 ruux oo dhamaantood ahaa rag ku toogtay goob fagaare ah oo ku taala deegaanka lagu magacaabo Buulaay ee ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahayeen basaasiin u shaqenayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

7/31/2022 4:46 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Banaadir ayaa ku biiray howlgalada maalmahii dambe ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ay kula dagaalamayeen Ciyaal weeradda dhibaatada ku haaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

7/31/2022 2:03 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Taliska ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa beeniyay in ciidamo looga dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Marka.

7/31/2022 1:56 AM EST
Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa sheegay in 600 oo askari oo katirsan Alshabaab lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee xadka Soomaaliya.