4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Guddoomiye Xirsi "Hadii xisbiga Waddani tartan galo ugama war warsani"

Axad, January, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in xisbigiisu uu ka dabaalan doono, hadii la qabto doorashada ururrada oo aanu marnaba ku hadhi doonin.

"Ama Muuse ururro ha furo, xisbigu insha-Allah wuu jirayaa uganala gaban maayo, xisbiga meelkasta oo loo mari karo iyo talaabo kasta oo sharcigu inoo ogolyahay waan qaadaynaa" ayuu yidhi Xirsi. "Ugama war warsani xisbigan, hadii uu tar tan galo ururo dhalan doona, xasha ugama war warsani".

Waxa uu sheegay in uu doonayo in xisbiga sifiican loo dhiso si uu u noqdo mid dowlad wanaagsan dhala, "Xisbigan loo warwari maayee, waxaynu doonaynaa in uu noqdo mid dowladnimo wanaagsan hanta oo wakhti dheerjira, waxaanu ku jiri karaa sidaynu u dhisno".

Xisbiga Waddani ayaa ah ka ugu cudada badan axsaabta mucaaradka Somaliland, waana xisbigii kusoo xigay xisbiga Kulmiye doorashadii madaxtinimada ee 2017, lakin dad badan ayaa war war ka qaba in cududa xisbigu kala daadato hadii la furo ururrada siyaasada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]